Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Baxdo

Wasiir kuxigeen Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya , Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-caddaala)  Xildhibaan ,Cabdisaabbir Nuur Shuuriye iyo guddoomiye kuxigenka amniga iyo siyaasadda gobolka Mudug, Cabdi Xuseen ayaa gaaray maanta degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga wasiirka ayaa degmada Baxdo kula kulmay Suldaanka ree Xaaji Saleeban , saraakiisha Ciidanka dowladda dhexe ee hoggaamiyaana kacdoonka ladoonayo in lagu xoreeyo degaannada Galmudug ay ka joogaan argagixisada Al-shabaab, Taliska NISA qeybta Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.

Gaashaanle sare, Warsame Diirshe Xusen iyo G/sare Xasan Jaamici ayaa uga warbixiyay Wasiirka iyo wafdigiisa wixii uqabsoomay intii ay joogeen degaannada ay ku diraarsan yihiin ciidamada shacabka ah ee isku abaabulay inay iska dul-qadaan kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab.

Wasiir Al-caddaala iyo Xildhibaan Cabdi saabir ayaa lagu wadaa inay gaaraan dhammaan degaannada ay ku sugan yihiin ciidamada is-garabsanaya.

Kacdoon shacab ayaa kajira inta badan degaannada Galmudug kaas oo billowday markii ay kooxda Al-shabaab billaabeen inay baabi’iyaan tiirarka nolasha asaasiga u ahaa ee dadka reer miyiga ah, sida ceelasha, baraagaha, tuuoyinka iyo is-gaarsiinta.