Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo booqasho ku tagay Degmada Hodan iyo Suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay si muuqata u soo hagaagtay, taasoo dhiirrigelin u ah bulshada inay si kalsooni leh u qaataan kaararkooda codaynta Doorashooyinka Golaha Deegaanka Degmooyinka ee Gobolka Banaadir, si ay uga qayb qaataan doorashooyinka Golaha Deegaanka oo dhici doono 25-ka bishan.
Mudane Al-Cadaala, oo bulshada kula hadlay gudaha suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminaayay ay muddo afar saacadood ah la joogeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u kuur galay sida ay ugu diyaar garoobayaan ka qayb galka doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir iyo qaadashada kaararka codeynta Doorashada.
Wuxuu xusay Wasiirku, inta badan dadkii ay la kulmeen ay ahaayeen kuwo horey u qaatay kaararka Codeynta Doorashada, halka qaar kalena ay ku tala jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen maalmaha soo socda, taas oo muujinaysa feejignaanta iyo doorka muhiimka ah ee bulshada caasimaddu ku leedahay hirgelinta nidaamka doorashooyinka.
Wasiir-ku-xigeenku wuxuu si gaar ah u muujiyay isbeddelka amni ee ka muuqda Suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay in ganacsatada oo sanado ka hor ay ka cabsan jireen Khawaarijta, maanta ay si xor ah oo nabad ah ugu shaqaysanayaan Suuqa , isla markaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin masuuliyiinta dowladda.
Ugu dambayn, Mudane Al-Cadaala ayaa ammaanay geesinimada Ciidamada Amniga, ku- waasoo door weyn ka qaatay xaqiijinta amniga magaalada, taasoo suurta gelisay in shacabka Muqdisho ay si kalsooni leh u gutaan waajibaadkooda doorasho ee soo socda.


