Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo booqasho ku tagay Degmada Hodan iyo Suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay si muuqata u soo hagaagtay, taasoo dhiirrigelin u ah bulshada inay si kalsooni leh u qaataan kaararkooda codaynta oo ay uga qayb qaataan doorashada degmooyinka ee dhici doonta 25-ka bishan.
Mudane Al-Cadaala, oo bulshada kula hadlay gudaha suuqa, ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayay ay muddo afar saacadood ah la joogeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u kuur galay sidii ay ugu diyaar garoobayaan ka qayb galka doorashada iyo qaadashada kaararka codaynta.
Wuxuu xusay in inta badan dadkii ay la kulmeen ay ahaayeen kuwo horey u qaatay kaararka, halka qaar kalena ay ku jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen maalmaha soo socda, taas oo muujinaysa feejignaanta iyo doorka muhiimka ah ee bulshada caasimaddu ku leedahay hirgelinta nidaamka doorashooyinka.
Wasiir-ku-xigeenku wuxuu si gaar ah u muujiyay isbeddelka amni ee muuqda Suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay in ganacsatada oo sanaddo ka hor ay ka cabsan jireen Khawaarijta, maanta ay si xor ah oo nabad ah ugu shaqaynayaan, isla markaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin masuuliyiinta dowladda.
Ugu dambayn, Mudane Al-Cadaala ayaa ammaanay geesinimada Ciidamada Amniga, ku- waasoo door weyn ka qaatay xaqiijinta amniga magaalada, taas oo suurta gelisay in shacabka Muqdisho ay si kalsooni leh u gutaan waajibaadkooda doorasho ee soo socda.

