Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga XFS oo tababar Muhiim ah daah-furay

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Idiris Cusmaan Xaaji, ayaa maanta daahfuray tababar ku saabsan Hannaanka Diyaarinta Miisaaniyadda (Budget Formulation Process) oo loo qabtay howlwadeenada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta, Dr. Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Tababarkan ayaa diiradda saaraya xoojinta aqoonta iyo hufnaanta diyaarinta miisaaniyadda difaaca, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, daahfurnaan iyo qorsheyn waafaqsan istiraatiijiyadda difaaca qaranka.

Wasiir-ku-xigeenka ayaa ku dhiirrigeliyay howlwadeenada ka qaybgalaya tababarka inay si buuxda uga faa’iidaystaan aqoonta iyo khibradda la gudbinayo, isagoo xusay in kor u qaadista xirfadda shaqaalaha ay tahay furaha tayeynta iyo casriyeynta hay’adaha difaaca dalka.