Wasiir ku xigeenka cafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Qardho

Wafdigan oo uu horkacayay Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidookalena ay qayb ka yihiin Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Puntland, ayaa gaaray magaalada Qardho si ay ugu kuur galaan adeegyada Caafimaad ee ka jira Isbitaalka weyn ee magaalada Qardho.

Wasiir kuxigeenka iyo madaxdii la socotay ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageeystay bukaanada iyo hawl wadeenada xarumahii Caafimaadka ee ay booqdeen.

Wasiirka Caafimaadka Dowlad gobaleedka dPuntland Jaamac Faarax Xassan iyo dhigiisa Galmudug Cabdiwali Cabdulahi Jaamac ayaa ugu horeyn ka waramay kormeerkan iyo faa’iidooyinka uu u lahaa hawl-galinta xaruma caafimaad iyo howl wadeenada la shaqeeya Wasaaraddaha Caafimaadfka Puntlan iyo Galmudug.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Xuseen Macalin ayaa ugu dambeyn u mahad celiyay Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo uu sheegay in ay howlo badan galiyeen sare u qaadida adeegyada aas-aasiga ah ee Caafimaadka.