USA- Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Seatle ee Dalka Mareykanka.
Wasiirka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seatle uga war bixiyay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, guulaha laga gaaray dib u habeynta adeegyada caafimaadka iyo horumarrada guud ee ay ku tallaabsaneyso dowladda federaalka Soomaaliya.