Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday khawaarijta Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoono iyo Akoono tiro badan oo lacagaha loogu diri jiray khawaarijta, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.
Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo qoraal ku baahiyey baraha bulshada ee Internet ka, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeeray ninka sheegta Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab ee la yiraahdo Cali Dheere, isaga oo carabka ku adkeeyey in dagaalka lagu la jiro khawaarijtu uu yahay go’aan shacab oo aan istaagi doonin illaa looga xoreynaayo dalka.
“Dhiigyo cabka Al-Shabaab ee la yiraa Cali Dheere markii isaga iyo khawaarijtii kale la jabiyey wuxu maanta miciin biday calaancal iyo catow, waxaan se u sheegayaa in dagaalkani aanu istaagi doonin illaa inta khawaarijta laga xoreynayo dalka, waana go’aan shacab ee maydkaaga inta aanay haadu ka dhergin ama aanad cidlo ku bakhtiyin adiga iyo khawaarijta kale ba isa soo dhiiba”. ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi
Wasiirk ayaa ku tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu cadeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo uu xusay in uu ahaa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.
“Cali Dheere, wuxu maanta innoo cadeeyey inay khawaarijtu ku jabeen dagaalkii dhaqaalaha ee ay ku qaaday dawladdu, waana guul innoo soo hoyatay oo lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay lee yihiin ganacsato Soomaaliyeed”.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu sheegay in Cali Dheere aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay khawaarijta uu ka tirsan yahay.
“Cali Dheeroow adiga iyo khawaarijta kale ba wax ba la idin ka waydiin mayo ilaalinta hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinayaana waa idinka oo khawaarij ah oo xalaashaday dhiiga iyo hantida umadda Soomaaliyeed” ayuu sheegay Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu yiri: “Ma jirto cid maanta ku dhageysanaysa Cali Dheeroow, gabalkaagii na waa uu dhacay, shacabka Soomaaliyeed na go’aan bay kaa gaareen adiga iyo khawaarijta kale ee Al-Shabaab, waxaana ay diyaar u yihiin inay idin ka xoreeyaan dalka”.
Wasiirka ganacsiga ayaa dhanka kale ganacsatada Soomaaliyeed ku boggaadiyey u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee joojinta lacagahii baada ahaa ee la siin jiray khawaarijta Al-Shabaab. waxaana uu ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida joogtada ah ee ay u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro Khawaarijta Al-Shabaab oo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaantood.
“Ganacsatada Soomaaliyeed way ku mahadsan yihiin inay si joogto ah noo la wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro khawaarijta sida Taleefanada iyo Akoono oo aanu gacanta ku dhignay dhammaantood”. ayyuu yiri Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi
Ugu dambayn, wasiirka ayaa digniin adag u diray ganacsatada aan ka diiwaangashanayn Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo uu sheegay in haddii la qabto ay mutaysan doonaan ciqaab daran, waxaana uu yiri: “Waxaan digniin u diraynaa ganacsatada aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee hadana sheegta ganacsato inay muteysan doonaan ciqaab adag”.
Dhammaad