Wasiir wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is afgarad ah la saxiixdey dhigiisa dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa xalay lagu qabtey xarunta warshadaha farsamooyinka difaaca ee Suudaan, taas oo wasiirka gaashaandhiga jamhuuriyadda federal ka Soomaaliya Mudane Abdukadir Mohamed nur (Jaamac) ku kala saxiixdeen asaga iyo dhigiisa wadanka Jamhuuriyadda Suudaan wasiirka gaashaan dhiga Lt. Gen. Yaasiin Ibrahim Yaasin heshiis is afgarad ah oo ay iska kaashanyaa labada dal arimaha ciidan gaar ahaan tababaradda qeybaha kala duwan e ciidanka.
Heshiiskaasi ayaa u noqon doona gundhig xiriir iyo iskaashiga labada dawladood ee walaalaha ah.


