Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Somaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya Md. Lionel Laurens, kaas oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha horumarinta gaadiidka Dalka.