wasiirka wasaaradda gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ugu hambalyeey shacabka Soomaaliyeed guusha ay ka gaareen qabsoomida doorashadii ugu horaysay ee heer federaal ah oo qabsoonta 57 sanno ka dib, taas oo shacabka ku dhiibanayaan codkooda kuna soo dooranayaan metelayaashooda golaha deegaanka gobolka Banaadir.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Doorashooyinka yihiin guul amni oo la xaqiijiyay, waxayna caddeyn u yihiin in laga adkaaday kooxaha Khawaarijta ah ee cadowga ku ah nabadda, dimuqraadiyadda, iyo dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale wasiirka ayaa baaq u diray dadkii ka shakisanaa in doorasho shacabku codaynayaan tahay mid aan la qaban karin, isagoo ka hadlaya ayuu yiri “Qoladii lahaa doorashadu ma dhici doonto, waxaan ka sugaynaa inay noo hambalyeeyaan bulshadana bogaadiyaan.”
Ugu dambayn wasiirka gaashaandhigu wuxuu hambalyo u diray Madaxweynaha qaranka oo daddaalkii ugu badnaa ku bixiyey in maanta shacabka Soomaaliyeed si xor iyo xalaal ah codkooda u dhiibtaan,sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyey Guddida doorashooyinka qaranka,haya’addaha Amniga ee sugaya dooraashada amnigeeda iyo cid walba oo ka qayb qaadatay qabsoomida doorashadan.

