Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heerkiisu sarreeyo oo ahaa dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeesheen.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhowridda nabadda iyo amniga caalamiga,la falgalidda kala duwanaanshaha, dib-u-habaynta iyo hagaajinta maamulka caalamiga, kaas oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Wang Yi, oo ah Madaxa Golaha ee bishan Febraayo.
Wasiirka ayaa xusay ka go’naanshaha Soomaaliya ee iskaashi dhinacyo badan leh iyo baahida loo qabo dib-u-habeyn ballaaran.