Wasiir Fiqi oo ka qayb galay daah-furka golaha safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa galabta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay tiro safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta oo u jooga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu si kal iyo laab ah uga mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, Madaxa Wakiillada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, dadaalkiisa ku aaddan daah-furka golahan, taas oo gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka u dhexeeya safaaradaha Carabta ee Soomaaliya iyo xiriirka guud ee Carabta iyo Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macalim Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda midnimada Carabta, isagoo tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda joogtada ah iyo sida ay ugu dheggan tahay taageerada Soomaaliya xilliyadii adkaa, taas oo ka muuqata go’aamadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirarka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan xadgudubyadii Itoobiya ay ka geysatay midnimada iyo xasilloonida dhulka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in rajooyinka Soomaaliya ay dhaafsiisan yihiin xiriirka diblomaasiyadeed, balse ay raadinayaan inay xoojiyaan isku-dhafka Carabta si loo gaaro midnimo Carbeed.