Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin fiqi oo ka hadlay Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa ku dhawaaqay in qorshaha Wasaaradda gaashaandhiga ay ku jirto asaaska qorshaha Daryeelka Agoonta Ciidanka qaranka taas oo lagu bixin doono waxbarashadooda.
Wasiirka oo ka hadlayey dagaalka lagu jiro kooxaha Khawaarijta ayaa si weyn ugu hambalyeeyey doorka dhalinyaradda Soomaaliyeed ka qaateen dib u xoraynta deegaanada khawaarijta laga xoreeyey” dhalinyaradda Soomaaliyeed waxay laf dhabar u yihiin dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,waxay ka dagaalamayaan furimaha dagaalka iyagoo ilaalinya sharafta dalkooda.”ayuu yiri wasiir Fiqi.
Dhinaca kale wasiirka ayaa ganacsatada uga digay in ay lacag baad ah ku bixiyaan telefono u soo dirtay Khawaarijtu” Dowladdu way dadaashay waxay xirtay koontooyin Bangi,qofkii lagu qabto isagoo khawaarijta lacag siinaya waxa la geyn doonaa Maxkamad” ayuu yiri wasiir Fiqi,