Wasiir Fiqi oo Dhuusamareeb ka furaya shirka xasillinta iyo barnaamijka deegaan bile ee Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira heerarka dowladda iyo xubno beesha caalamka ah ayaa goordhow gaaray caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, iyada oo ay halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyeen maamulka Galmudug.

Safarka shaqo ee Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa la xiriira daahfuridda shir maanta dhacaya oo ku saabsan arrimaha Xasillinta iyo Barnaamijka Deegaan Bile ee Galmudug, kaas oo waxtar u leh bulshada deegaanka.

Shirkan oo goordhow ka furmi donna Dhuusamareeb, ayaa waxaa ka qeybgalaya hey’ado kala duwan oo ka socda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.