Wasiir Fiqi: ilaa dalka oo dhan laga cirib tirayo kooxaha Khawaarijta dagaalku wuu soconayaa

Wasiirka gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo xalay qabtay shir jaraa’id ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgal socday mudo toddobaad ah oo Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey hawlgalkan intii uu socday in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey ciidanka xoogga iyo taageerada Saaxiibada Caalamku la garab joogaan Dowladda Soomaaliya” ciidankeena waad guulaysateen,waxaad kor u qaadeen niyadda shacabka Soomaaliyeed waxa weeye dagaalku wuu soconayaa ilaa dhamaan dhulka Soomaaliya laga nadiifinayo kooxaha Khawaarijta”ayuu yiri wasiir Fiqi.

Ciidanka xoogga ayaa gacanta ku dhigay dhamaan goobihii Khawaarijtu ku dhuumanaysay waxay na Ciidanku hadda wadaan hawlgalo lagu ururinayo maydkii iyo hubkii ay ka carareen khawaarijtu.