Wasiir Fartaag oo sheegay in Caafimaad la’aan uusan amni jiri karin

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in Caafimaad la’aan aysan jirin wax barasho, amni iyo horumar toona .

Wasiir Fartaag oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 24-aad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Madiina oo hoos taga Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in uu ka wasiir ahaan isu xil qaamayo tayaynta Isbitaallada danta guud xukuumadda Dan Qaranna ay il gaara ku eegi doonto.

“Xukuumadda Dan Qaran Tiirkeeda koobaad wuxuu ahaa amniga, kan labaadna Waxbarashada, kan saddexaad waxaannu ka dhigi doonna Caafimaadka anoo la kaashanayo madaxda sare ee dowladda, maxaa yeelay haddaanu Caafimaad jirin Waxbarasho ma jirto, haddaanu Caafimaad jirin amni ma jiro, horumarna ma jirayo, maxaa yeelay maskax Caafimaad qabto ayaa wax hoggaamin karto.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada Isbitaalka Madiina, howsha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray iyo haatan oo uu dalku dib u soo kabanayo.

Wasiir Fartaag, ayaa tilmaamay in sbitaalka Madiina uu tusaale u yahay sida ay Booliska Soomaaliyeed ugu heellan yihiin horumarinta caafimaadka bulshada.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, saraakiil, dhakhaatiir iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan qeybaha bulshada.