Wasiir Falagle ” Abaar iyo nafaqo daro ayaa ka jirta deegaanka Qeydarre,”

Deegaano badan ayey abaar ka jirtaa, kuwaasi oo sababay inay dad badan ku xoolo waayaaan, waxaana deegaanada hadda sida weyn ay abaartu u saameysay ka mid ah Galmudug.

Abaartaas inta ay la eg tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool deegaanka Qeydarre, ayaa waxaa ka waramay wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed shire falagle.

“ Waxaanu soo aragnay oo dul joognaa dad da’ walba leh oo nafaqo daro iyo oon u daadsan oo carabkii tagay oo aan xannuuna qabin,” ayuu yiri Wasiir Falagle oo warbaahinta kula hadlayay deegaanka Qeydarre oo ay ka jirto xaalad bini-adanimo oo aad u daran.

Wasiir Falagle oo hadalka sii wata ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay baartu saameysay ee ku dhaqan deeganadaas uu kormeerku ku sameeyay oo ay ka mid tahay Qeydarre.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Galmudug ee iyagu ka gaabiyay wax u qabashada dadka ay abaartu daran saameysay.

Deegaanka Qeydarre ayaa ilaa 200-km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.