Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahna Ku-Simaha Wasiirka HE. Dr..Maryama Mohamed Hussein ayaa maanta Kulan laqaadatay Wafdi heer sara ah oo kasocday Xafiiska Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Eng. Abudulahi Haji Ali oo ay wehelinayeen Xubno sare oo kamida Xubno kamida Madaxda Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)
Wasiiru Dowlaha iyo Xubnaha ayaa kawada hadlay sida ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha is barkan ee hadda jira sida Xaaladaha Nafaqa daro ee kadhashay Abaaraha, dagaalada iyo sidii adeega caafimaadka ee dalka kor loogu qaadi lahaa.
Dhanka kale madaxda kasocotay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka warbixiyay teegeerada ay ku bixiyaan adeegyada Caafimaadka Dalka, wexeyna bogaadiyeen wadashaqaynta OIC iyo Wasaaradda Caafimaadka.

