Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Aljeeriya

Aljeris: Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Labada dhinac ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee Afrika, waxayna sahamiyeen hindiseyaal wadajir ah oo lagu horumarinayo wadashaqeyn dhow oo ka dhexeysa dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).