Wasiir Daa’uud “SONNA waxaa ay mudan tahay ammaan ballaaran, waxay sameysay horumar dhanka wax soo saarka ah”.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guuradda 59-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Wakaaladdda wararka Soomaaliyeed (SONNA), u diray madaxda iyo shaqaalaha wakaaladda wararka ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA mudantahay amaan ballaaran waxuuna tilmaamay in Wakaaladdu sameeyay muddooyinkii damme horumar dhanka wax soo saarka ah.

Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa maanta u dabaal-degeysa sanad guuraddii 59-aad ee aas-aaskeeda, 1964-tii shanta bisha koobaad ee Janaayo ayaa la aas-aasay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

SONNA ayaa ah hey’adda rasmiga ah ee u xilsaaran ururinta wararka dowladda gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada. Waana isha rasmiga ee laga xigta wararka dalka.

Wararka iyo Barnaamijyadda SONNA ee lagu baahiyo mareegta Internet-ka iyo baraha rasmiga ee Bulshadda ayaa ku baxa saddex luuqadood oo kala AF-Soomaali, Afka Carabiga iyo kan Ingiiriisiga. malaayiin qof oo ku nolol gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa ku xiran oo daalcada.