Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta dalxiiska, isla markaana ay sameysay daraasad gaar ah oo diiradda lagu saarayo dalxiiska Soomaaliya iyo horumarkiisa.
Wasiirka wuxuu sheegay in la asteeyay goobaha dalxiiska uu dalkeenna lahaa, in la dejiyay qorshe ku saabsan Dalxiiska Soomaaliya, in dib loo soo nooleeyo adeegyadii dalxiis ee uu dalka lahaan jiray iyo Machad laga barto arrimaha Dalxiiska.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiragelineyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya horumarinta arrimaha Dalxiiska, wuxuuna qiray in dalxiiska qeyb libaax leh ka qaadan karo kobaca Dalkhliga Dalka.

