Wasiir Daa’uud Aweys” Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa bahda Warbaahinta oo si weyn ugu qeyb qaatay tebinta Doorashooyinka,”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay doorashooyinka qof iyo codka ee maanta ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta doorka lama ilaabaanka ah ee ay qaateen habsami u socodka doorashooyinka Qaranka ee maanta ka bilowday Muqdisho.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay ahayd shaqo si wadajir ah isaga kaashadeen warbaahinta Dowladda iyo kuwa gaarka ah loo leeyahay, taas oo dhalisay natiijada wanaagsan ee ka soo baxeysa goobaha ay ka socdaan codeynta Doorashada.

“Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa bahda warbaahinta, kuwa Qaranka, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah oo maanta ka qeyb qaatay tabinta doorashada taariikhiga ah ee lagu dooranayo Golaha Deegaanka gobolka Banaadir.”

57-sanno ka dib, maanta ayay shacabka Soomaaliyeed fursad u heleen in ay codkooda dhiibtaan oo ay doortaan cidda hoggaamin lahayd. Warbaahintana waxay ku ammaanan yihiin in taariikhdaas cusub ee maanta qormeyso doorkooda ay ka ciyaareen, sida uu wasiir Daa’uud Aweys sheegay.