Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa xaqiijiyay in jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixin doonto ku dhawaaqista Israa’iil ee ku saabsan aqoonsiga gobolka Somaliland ay noqon doonto mid loo maro dariiq diblomaasiyadeed, si looga fogaado sii xumaanshaha xaaladda, loona ilaaliyo xasilloonida dalka iyo tan gobolka Geeska Afrika.
Wareysi uu siiyay telefishinka Al-Sharq, ayuu wasiirku ku sheegay in Dowladda Federaalka ay dooratay wadada diblomaasiyadda inay noqoto ikhtiyaarka koowaad ee lagula tacaalayo tallaabadan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israa’iil aysan wax sal ah ku lahayn sharciga caalamiga ah, isla markaana Soomaaliya ay si buuxda u diiddan tahay faragelin kasta oo dibadeed oo ku xadgudbeysa madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in la ballaarin doono dadaallada diblomaasiyadeed, iyadoo lala shaqeynayo beesha caalamka, si arrintan xal degdeg ah looga gaaro. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay horey u wajahday caqabado iyo khilaafyo ku filan, isla markaana tallaabadan ay sii murginayso xaaladda jirta, kana dhalin karto xiisad hor leh oo ka dhex aloosanta gobolka.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay durba billowday qaadista tallaabooyin diblomaasiyadeed, oo ay ka mid tahay u gudbinta arrintan shir degdeg ah oo ay isugu yeerayso Jaamacadda Carabta. Wuxuu muujiyay rajada ah in Israa’iil ay ka laabato hadalkan uu ku tilmaamay mid ka dhan ah Soomaaliya iyo madax-bannaanideeda.
Jaamac ayaa xusay in cawaaqib-xumada ka dhalan karta tallaabadan aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay saameyn ku yeelan karto dalalka ku teedsan Badda Cas, taasoo sii adkeyn karta xaaladda amni ee gobolka.
Dhanka sharciga, Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israa’iil aysan wax saameyn sharci ah ku yeelan doonin Soomaaliya, maadaama arrimaha gudaha dalka lagu maamulo Dastuurka Qaranka iyo shuruucda u degsan, isla markaana wax kasta oo khuseeya dalka lagu wajahayo qaab-dhismeedkaas sharci.
Wasiirku wuxuu si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo dibadeed oo lagu doonayo in lagu soo farageliyo mustaqbalka dalka, isagoo mar kale adkeeyay in Soomaaliya ay ahaan doonto dal midaysan, isla markaana gobolka Somaliland uu yahay qayb ka mid ah dhulkeeda.
Isagoo ka hadlayay xalinta guud ee arrinta, Wasiirka Warfaafinta ayaa mar kale xaqiijiyay in dowladda ay si buuxda u diiddan tahay ku dhawaaqista Israa’iil, isagoo ku sifeeyay “fal aan sal iyo raad toona lahayn” oo sababi kara qalalaase haddii xaaladdu sii xumaato, xilli ay Soomaaliya weli ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah, oo ay ugu horreeyaan Daacish.
Dhanka walaaca laga qabo suuragalnimada dib u soo laabashada khilaaf gudaha ah, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ugu jirto ka hortagga wax kasta oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida dalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay sanado badan la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin kala duwan, isla markaana xalintooda ay u baahan tahay wadahadal iyo ka fogaanshaha faragelin shisheeye.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumaddu ay horey u yeelatay dhowr wareeg oo wadahadal ah oo ay la gashay maamulka Somaliland, isagoo adkeeyay in Muqdisho ay weli diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaaro khilaafaadka jira, isla markaana la filayo in wareegyo cusub oo wadahadallo ah dib loo bilaabo.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay cadaadis ku saarto dal kasta oo aan ixtiraamin heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo ka digay in dhaqamada noocaas ahi ay horseedi karaan qalalaase hor leh oo heer gobol iyo mid caalami ah. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay difaacaan qarannimada dalkooda, isla markaana ay ku dadaalaan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaaladda taagan sida ugu dhaqsaha badan.

