Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay muhiimadda cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyo dagaalka daba dheeraaday ee dalka looga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-shabaab.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya muddada fog ay caqabad ku ahayd shaqada socota ee dib-u-xoreynta iyo sugidda guud ahaan amniga Dalka.
“Cunaqabateentii hubka ee laga qaaday dalka inta ay saarneed, waxay dhibaato ku ahayd howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ee socda.” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa sheegay in markii 2023-kii, lagu guuleystay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay qasab noqotay in ay Dowladda hesho hub howlgallada amni ee socda wax looga qabto, taas oo suurta gelisay in Khawaarijta looga itaal roonaado in meelo badan oo dalka ka mid ah laga sifeeyo.
”Sannadkii 2023-kii ay Dowladda Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd, waayo cunaqabateynta waxay caqabad ku ahayd shaqada socota ah ee ah dib-u-xoreyn in la sameeyo amnigana la sugo, waxaa markaas qasab noqotay in la helo barnaamijkaas ka shaqeyntiisa laga miradhaliyo waana lagu guuleystay,taas marka lagu guuleystay, Soomaaliya waxay heshay hub howshaas ama howlgallada socda wax looga qaban karo,”.
Khawaarijta, iyagoo gudaha Dalka dhib iyo fowdo ka wada ayay haddana xiriir dhow la leeyihiin kooxo kale argagixiso caalami ah oo hub iyo agabyo kale oo waxyeeleynaya Dalka soo geliya, si taas looga hortago, waxaa qasab noqotay in Soomaaliya ay hesho agab ama tixraacyo kale oo lagu ilaalinayo in aysan Khawaarijta hub qatar ah waddanka soo gelin iyo in Soomaaliya gasho heshiisyo dhinaca amniga ah, sida uu Wasiirka warfaafinta sheegay.