Wasiir Cali balcad oo Addis abab ku shir guddoomiyay kulanka dib u habaynta musharixiinta dalalka Africa

Addis ababa- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta magaalada Addis ababa ku shir guddoomiyay kulankii ugu danbeeyey ee ay yeesheen guddiga heer wasiir ee dib u habaynta musharixiinta dalalka Africa ee u tartami doona kuraasta ka bannaan Midowga Afrika iyo Ururrada kale ee caalamka.

Wasiir Balcad waxaa kulanka ku wehliyey xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Xamse Aadan, Danjire Cabdullaahi Warfaa iyo diplomaasiyiin kale duwan oo ka socday dowladda Soomaaliya.