Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay Halka uu Marayo Dagaalka ka Dhanka ah Kooxaha Khawaarijta.
Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in Dagaalka ay Dowladdu kula jirto Khawaarijta uu leeyahay Saddex Weji oo Istaraatiiji ah,isagoo tilmaamay in Wejiga koowaad oo ahaa in Dagaal toos ah oo Militari lagu beegsado Maleeshiyaadka iyo Hoggaankooda, si loo wiiqo Awooddooda Dagaal iyo joogitaankooda Deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan taas na Dowladda Guul Weyn ka gaadhay oo ka xoraysay Dhamaan Deegaanadii Kooxdu ku dhuuman jirtay.
Wejiga Labaad Dagaalka ayuu Wasiirku sheegay inuu ahaa Dagaal Dhanka Afkaarta ah, kaas oo lagu ciribtirayo Fikirka Xagjirka ah ee ay ku marin habaabiyaan Dhalinyarada, laguna xoojinayo wacyigelinta Bulshada iyo ka hortagga Fikirrada Qalafsan,dadaal dheer ka dibna si weyn ayaa loogu jabiyey khawaarijta iyadoo beryihii u dambaysay isa soo dhiibayeen Tirada Dhalinyaradii ugu badnad ee ka soo laabata fikir Xagjirka ah.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu Carrabka ku adkeeyay in Wejiga Saddexaad uu ahaa Dagaal Dhaqaale, kaas oo lagu beegsanayo Ilaha Dhaqaale ee ay Kooxda ka heli jirtay Baadda iyo Handadaadda ay ku hayeen Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
“Shirkeenna Maanta waxa uu ku saabsanaa sida DFS ay u curyaamisay Dhaqaalihii Baadda ahaa ee Khawaarijtu ka qaadi jireen Muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo Guul Weyn laga gaaray,” ayuu yiri Wasiir Cadaala.
Mas’uuliyiinta ayaa xusay in tallaabooyinka la qaaday ay horseedeen in si weyn loo yareeyo Awooddii Dhaqaale ee Kooxda, taas oo qeyb ka ah Dadaallada Ballaaran ee lagu sugayo Amniga iyo Xasilloonida Dalka.

