Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay, shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed.
Shirweynahan waxaa diirada lagu saarayaa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hal abuurka ganacsiga, kordhinta dakhliga, dhiirigelinta ganacsiyada yar yar iyo kor u qaadidda ganacsiga haweenka Soomaaliyeed.
Shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xildhibaan C/raxmaan Beene Beene, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Wasaaradda Batroorka iyo kheyraadka macdanta Daahir Shire Gudoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosow iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka dalka.