Wasiir Biixi oo ku guuleystay wasiirka maaliyadeed ee Afrika ugu wanaagsan 2025

London: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa lagu maanta la guddoonsiiyay billadda wasiirka maaliyadda Afrika ugu wanaagsan 2025, kadib xaflad ka dhacday magaalada London.

Abaalmarintan ayaa loogu aqoonsaday Wasiirka Maaliyadda XFS muddadii 2-da sanno ahayd ee uu joogay Wasaaradda Maaliyadda oo uu ku hoggaamiyay hannaan hufan iyo dadaalka uu geliyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka, gaar ahaan guushii dayn cafinta ee la gaaray 2023-kii, casriyeynta hannaanka dakhliga oo sahlay in Dakhliga gudahu koboc sameeyo, Qorshihii deyn cafinta kadib, doorka hogaamineed ee uu ka qaatay dedaalada dib-u-hababaynta hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga oo Dowladda Soomaaliya u horseeday in ay ka baaqsato Daymo cusub, heshana maalgalin deeq ku dhisan. Is bedelkaas Soomaaliya hormuudka ka hayd oo dalal kale u horseeday in ay maraan dhabbaha Soomaaliya ay jeexday helaanna macaamilaad maaliyadeed oo deeq ku dhisan.

Wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa sheegay in guushada saxda ah iyo abaalmarintaba ay mutaysteen shacabka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarka horumarinta dhaqaalaha iyo soo kabashada dalka, Wasiirka ayaa ku ammaanay ganacsatada habka ay ugu dhiiran yihiin dib-u-dhiska dalka iyada oo ay jiraan caqabado badan oo haysta.