Wasiir Biixi oo ka qayb galay kulan looga hadlyay mashaariicda horumarineed ee waddamada gobolka

Addis Ababa- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia laguna qabanayo shirka ๐Ÿ๐Ÿ‘-๐š๐š๐ ee Wasiirada Maaliyadda Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) ayaa ka qeyb galay madal raโ€™yi is weydaarsi aheyd, heer keeduna sareeyay oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda dalalka geeska iyo ku dhawaad 300 oo marti dadweyne matalaya dalalka geeska.

Doodda oo muhiimadeedu ahayd sidii loo fulin lahaa mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalka ku bahoobay madashan ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray jawaabihiisa, in ay muhiim tahay in la fududeeyo isku socodka ganacsiga xuduudaha iyo maalgalinta ilaha dhaqaalaha si looga faaโ€™iideysto kheyraadka dabiiciga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii loo helilahaa maalgalin dhinacyo badan ah, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka taas oo horseed u naqonaysa in laga maarmo ku tiirsanaanta taakulooyinka dibadda.