Wasiir Biixi oo Baarlamaanka horgeeyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa Baarlamaanka JFS hor geeyay 3 hindise sharciyeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

Hindise sharciyeedyadan oo kala ah hindise sharciyeedka cashuuraha dakhliga (Income Tax Bill), hindise sharciyeedka caymiska (Insurance Bill ) iyo wax kabadalka hindise sharciyeedka hay’adaha maaliyadda (Financial Institutions Bill).

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo la hadlayay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa xusay ahmiyadda ay shuruucdani u leeyihiin hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in Wasaaraddu diyaar u tahay ka jawaabidda su’aalaha Golaha ee ku aadan shuruucdan hadda horyaala Baarlamaanka iyo Hindise Sharciyeedyada kale ee qorsheysan in Wasaaradda Maaliyadda soo gudbiso markii ay dhammaystirmaan diyaarintooda.