Wasiir Biixi Imaan Cige”In deyn nagala cafiyo kuma imaan Arji la qoray ee waxa ay ku timid shaqo adag oo dowladdu qabatay.”

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka wayb galay 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee 𝐇𝐞𝐫𝐢𝐭𝐚𝐠𝐞, madashaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray mowduuca cinwaan kiisu yahay “𝐃𝐚𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐨𝐛𝐚𝐜𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐲𝐧 𝐂𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛” halkaas oo uu Wasiirku ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo badan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa hadaljeedintiisii si gaar ah diiradda ugu saaray waddadii dheereyd ee loo soo maray hannaankii dayn cafin ee sida guusha ah ku soo gabagaboobay sanadkii la soo dhaafay ee 2023-ka.

Wasiirka Biixi ayaa si gaar ah u tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay ka miro-dhalinta qorshaha deyn cafinta iyadoo dalka ay ka jiraan duruufo badan oo ay ka midyihiin, la dagaalanka argagixisada, abaaraha, fatahaadaha iyo caabuqii Covid-19.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka qayb galayaasha Madashaan horumarinta dhaqaalaha ka rajeeyay in ay soo saaraan qorshe wanaagsan oo ay dan ugu jirto dadka iyo dalka.