Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo arrimaha Dibadda

Muqdisho, Maarso 24,2022, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Mareykanka, ayaa magaalada Washington kulamo kula yeeshay masuuliyiinta ka tirsan Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo Waaxda arrimaha Dibaddda iyagoo ka wadahadlay arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, barnaamijka deyn cafinta iyo taageerada dhanka soo kabasha dhaqaalaha Soomaaliya.
Shirkaan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo tan arrimaha dibadda ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada dhammaystirka doorashada dalka si loo sii xoojiyo isbeddelka dib-u-habaynt…