Wasiir Beyle oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Georgetown ee Dalka Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle,ayaa dalka Mareykanka uga qeybgalay kulan ay soo qabanqaabiyeen madaxda Jaamacadda Georgetown oo la xiriiray arrimaha Soomaaliya .

Kulankaasi oo lagu martiqaaday wasiirka,waxa uu ka jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan habka dib-u-dhiska dalka iyo barnaamijyada soo kabasho ee laga fuliyay gudaha dalka.

“Sharaf ayey ii tahay in aan khudbad ka jeediyo Jaamacadda Georgetown oo aan madaxda halkaasi  la wadaago khibradda aan u leennahay waddada soo kabashada”ayuu yiri wasiir Beyle.

Wadaagidda Macluumaadka iyo Fikradaha wadajirka ah waxa ay had iyo jeer muhiim u yihiin horumarka waara ee lagu faa’iido.