Wasiir Beyle oo Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Qatar

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Doxa ee xarunta Dalka Qatar kula kulmay Wasiirka Ganacsiga, ahna ku simaha Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mr. Ali bin Ahmed Al-Kuwari.

Kulanka labada masuul ayaa waxa ay diiradda kusaareen xoojinta wadashaqeynta labada Wasaaradood iyo sidii bib loogu hagaajin lahaa arrimaha Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka dhaqaale ee labada dowladood.

Dowladda Qadar ayaa waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida weyn u taageera dowaladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxayna Qadar ka mid tahay dowladaha wax ka bixiya kabka Miisaaniyadda dowladda soomaaliya, waxaa kaloo dalkeenna ka fulisay mashaariic horumarineed oo kala duwan kuwaasoo isugu jira dayactir waddooyin burbursanaa iyo goobo caafimaad iyo kuwo kaloo badan.

Wasiir Beyle ayaa yiri ‘Waxa aan maanta magaalada Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga, ahna kusimaha Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mr. Ali bin Ahmed Al-Kuwari, waxa aan ka wadahadalnay arimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka dhaqaale ee labada Dal oo aad u wanaagsan”.