Wasiir Beene Beene: “Dowladda waxay fursad u abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku lahaa dalalka Afrika”

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay fursad u abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku lahaa dalalka Afrika, taasina ay tahay sababta ay dowladdu ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika.

“Dowladda Soomaaliyeed ay fursad u abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku lahaa dalalka Afrika, waana sababta aan ugu biirnay Ururka Bulshada Bariga Afrika.”

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), oo ka qaybgalay Shirweynaha Saddexaad ee Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026), oo maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka hadlay ajandaha maalgashiga qaranka iyo qorshaha Soomaaliya ee maalgashiga Bulshada Bariga Afrika.

Wasiirku wuxuu diiradda saaray mudnaanta maalgashi ee Soomaaliya iyo sida loogu xiriirin karo fursadaha dhaqaale ee ka jira dalalka Bariga Afrika, waxa uu sidoo kale xoojiyey muhiimadda iskaashiga gobolka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo isku xirka qorshayaasha horumarinta qaranka iyo kuwa gobolka.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa iswaafajinta shuruucda dalka iyo Heshiiska Bulshada Bariga Afrika, kor u qaadista tartanka ganacsiga iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Arrimahan ayaa muhiim u ah sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd suuqa gobolka, sidii ay usoo jiidan lahayd maalgashiyo una ballaarin lahayd fursadaha shaqo iyo koboca dhaqaale ee dalka.