Wasiir asiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweeyay Muwaadiniin laga soo celiyay dalka Liibiya

Mudane Xasan Maxamed Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta dalka ku soo dhaweeyay 129 muwaadin Soomaaliyeed oo si iskood ah uga soo laabtay dalka Liibiya, kuwaas oo ku yimid barnaamijka Dib u celinta Bani’aadannimo ee Iskaa Wax U Qabso (Voluntary Humanitarian Return – VHR).

Muwaadiniinta soo laabtay, 110 ayaa ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, halka 19 kalena ay ka dageen magaalada Hargeysa.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa muwaadiniinta si diirran ugu soo dhaweeyay dalkooda hooyo, isaga oo sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda ku sugan dibadda iyo taageeridda dib u dhexgalkooda si ammaan ah, sharaf leh, isla markaana ay dalka ku soo laabtaan.

Soo dhoweynta waxaa sidoo kale ka qeyb galay wakiillo ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) Soomaaliya iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Qaxootiga iyo Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee nugul ee tahriibka ku soo maray dalalka kale.