Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ku-simaha Wasiirka, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, Dr. Caroline Asiimwe.
Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dadaallada lagu hirgelinayo Af-Sawaaxiliga, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada Warbaahinta, Waxbarashada iyo Dhaqanka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ku biiristii Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kadib, ay dowladdu bilowday dardar-gelinta horumarinta luqadda Sawaaxiliga, oo kamid ah luqadaha rasmiga ah ee Bariga Afrika.
Dhankeeda, Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Dr. Caroline Asiimwe, oo Wasiir Ku-xigeenka uga mahadcelisay soo dhoweyntiisa, ayaa sheegtay in horumarinta luqadda Sawaaxiliga ay mas’uuliyad ka saaran tahay dalalka ku midoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Soomaaliya ayaa xoojinaysa is-dhexgalka iyo kaalinteeda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, iyadoo Madaxweynaha JFS uu horay u sheegay in Soomaaliya ay xoogga saarayso barashada luqadda Sawaaxiliga.

