Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in heerka amni ee magaalooyinka Soomaaliyeed uu si toos ah ugu xiran yahay sida shacabka magaalo kasta u qaateen mas’uuliyadda ilaalinta amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.
Wasiirka oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlayay doorashooyinka dalka ayaa si qoto dheer u muujiyay kaalinta shacabka kaga aaddan amniga magaalooyinka, wuxuuna tilmaamay in amniga aan lagu sugin oo keliya ciidamada dowladda, balse uu yahay waajibaad wadajir ah oo ay bulshada iyo dowladda iska kaashadaan.
Wuxuu tusaale u soo qaatay wasiirku in magaalooyin ay shacabka si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, taas oo keentay in falalka amni darrada ah ay aad u yaraadaan.
Mudane, Alcadaala ayaa xasuusiyay bulshada in haddii ay muujiyaan midnimo, feejignaan iyo wada-shaqeyn ay suuragal tahay in magaalo kasta oo Soomaaliyeed noqoto mid nabdoon.