Washington oo Israa’iil kala hadashay wax kabadalka Dagaalka Qaza

La taliyaha amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan, ayaa Wasiirka arrimaha istaraatiijiyadda Israa’iil Ron Dermer,  kala hadlay in ay u gudbaan  marxalad ka duwan dagaalka Qaza ee ay kula jiraan Xamaas.

Sargaal Mareykan ah oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Sullivan uu kala hadlay Dermer, oo ah Qof aad ugu dhow Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu,  inay u gududbaan marxaladda cusub oo ka duwan diiradda dagaalka Qaza.

Waxa uu intaa ku daray in wadahadallada dhex maray Maraykanka iyo Israa’iil  looga hadlay sidii loo yareyn lahaa waxyeellada rayidka iyo sidii leysu dhaafsan lahaa Maxabiista ay kala haystaa Xamaas iyo Isra’iil.