Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Kulan Wada-Tashi ah oo ku saabsan Siyaasadaha Macaahidda Shareecada Islaamka iyo Dugsiyada Qur’aanka, iyo Qaab-Dhismeedka saabka Manhajka Macaahidda Shareecada.
Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin iyo Aqoonyahanno ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad-Goboleedyada, Culimada Macaahidda, Dalladaha iyo macallimiinta Qur’aanka.
Waxaa si Qoto dheer looga dooday Nidaaminta Waxbarashada Macaahidda iyo Dugsiyada Qur’aanka, mideynta Waqtiyada Ardayda wax la Baro, iyo dejinta Manhaj Qaran oo mideysan.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Dr. Abubakar Khaliif Maxamed, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Macaahidda Shareecada iyo Dugsiyada Qur’aanka, halkaa Mudane Daa’uud Makaraan Agaasimaha Manaahijta uu kalimad kooban ka jeediyay.
Gabagabadii, kulanka waxaa si rasmi ah u soo xiray Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Aasaasiga ah. Kulankan oo socday laba Maalmood wuxuu qeyb ka yahay Dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan Nidaaminta iyo Tayeynta Waxbarashada Macaahidda Shareecada iyo Dugsiyada Qur’aanka.


