Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta tababar u qabatay maamulayaasha dugsiyada, kaasi oo lagu baran doono hubinta xogta ardayda ee Fasalka 12-aad.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Maxamed Caabbi Xasan oo furay tababarka ayaa uga mahad celiyay maamulayaasha iyo macalimiinta iskuuladda kaalinta wanaagsan ee ay ku leeyahiin waxbarista ardayda soomaaliyeed, isla markaana kula dardaarmay inay tababarka u qaataan sidii loo qorsheeyay, gaarsiiyaana maamulayaasha kale ee dugsiyada dalka.