Wasaaradda waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa loo diiwaan geliyey inay Imtixaanka galeen  34,469 oo ardayda,balse waxaa u fariisatay in  ku dhow 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray Imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada guud ee baastay Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 97%,Waxaa ku dhacday  Imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday Imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay Imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa ku  dhacday Imtixaanka shahaadiga .

2 – Deegaanada Galmudug 7 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga .

3 – Deegaanada Jubbaland 6 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga .

4 – Deegaanada Hirshabelle 6 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga.

5.Gobolka Banaadir waxaa dhacday 1100 arday.