Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay markii labaad inay qaadanayso 3,000 oo Macallimiin ah

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in mar kale ay bilowday qaadashada 3,000 oo Macallimiin ah. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa bulshada la wadaagtay qorshaha dowladdu ku qaadanayso macalimiinta cusub.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadashay qaadashada barayaasha Soomaaliyeed, ayaa la wadaagtay bulshada Soomaaliyeed inay tahay qaadashada Macallimiinta mid u furan dhammaan, Dadka danaynaya inay kamid noqdaan barayaasha U-badkan Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha ” waxaa sigaar ah fursada loo siin doon dumar Soomaaliyeed,Waana inay ka faa’iideestaan,Haweeynka Soomaaliyeed,Qeybna ka noqdaan soo saarista jiil cusub oo waxbartay”.

Habraaca wuu furan yahay wayna is sisoo diwaan galinkaraan,Waa muhiim barayaasha Soomaaliyeed, waa mustaqbalka ubadka dalka larabo inay u ayaan kuwii soo saari lahaaa Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayada oo kaa shanayso,Wasaaradaha Xubnaha ka’ah Mida fadaraalka waxay qaadan doontaa markii labaad 3,000 (sadex kun) oo barayaal Soomaaliyeed ah.