Wasaaradda Waxbarashada oo Hambalyo u dirtay Ardayda uu Maanta usoo dhamaaday Imtixaanka Shahaadiga

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare J.F.S Marwo, Xildhibaan. Nuuro Mustaf Mukhtaar ayaa ka hadashay Munaasabadda Xiritaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12aad Sannad Dugsiyeedka 2025/2026.

 

Wasiir Nuura, ayaa u mahadcelisay Waaliddiintii kusoo tacabtay Waxbarashada Ardayda, Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada iyo dhammaan Cidkasta oo ka qaybqaadatay Nabadgalyada Imtixaanka iyo in la gaarsiiyo Goobo fogfog oo Dalka kamid ah.

 

Imtixaanka oo lagu qabtay kuwaad 60 Degmo, kaas oo ka kala dhacay 158 Xarumood ayaa kusoo dhamaaday si hufan, waxanay Wasiir Nuuro kaga mahad celisay Cid kasta oo habsami u socodka Imtixaanka Shahaadiga gacan ka geysatay, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Ciidamada Amaanka ee Dalka.