Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS oo Shaacisay Xilliga la qaadaayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS ayaa uga mahad celinaysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud dadaalka uu Ku bixiyay qabsoomidda Imtixaanka Fasalka Shahaadiga 12,aad ee Dugsiga Sare.
ku simaha agaasimaha Guud ee Wsaaradda Waxbarashada Cismaanciil Yuusuf Cismaan ahna agaasimaha waaxda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sidookale u mahadceliyey Iskuulada qaatay kaararka aqoonsiga Imtixaanka sanad Dugsiyeedka 2021-2022.
Agaasimaha ayaa ku war-galiyey Iskuulada aan wali qaadan kaararka aqoonsiga imtixaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qaataan kama danbeys 04/06/2022, waxuuna shaaciyey in Imtixaanka loo fariisan doono 18/6/2022.
Laga soo bilaabo sanad dugsiyeedka 2014-2015 Wasaaradda Waxbarashda ayaa qaadaysay Imtixaan Midaysan, Imtixaanka Wasaaradda ayaa waxaa u fariisanaayey dhamaan iskuulada ku yaalo gobolada dalka, marka laga reebo maamulda Puntland iyo Somaliland.