Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo deegaanka Qalqaloocan ka hirgalisay dugsi hoose

Wasaaradda Waxbarashada ee Maamulka Galmudug ayaa maanta deegaanka Qalqaloocan ee Bariga Gobolka Mudug ka hirgalisay dugsi hoose oo baahi weyn ay u qabeen dadka deegaankaas.

Mas”uuliyiin katirsan Galmudug ,madaxada mashruuca waxbar carruurta iyo bulshada degaanka ayaa ku sugnaa munaasabada kuwaa oo sheegay in dugsiga hoose ee laga furay deegaanka ay baahi weyn u qabeen dadka shacbka,islamarkaana ay uga mahadcelinayaan cid kasta oo kaalin ku lahay ka qeyb qaadashada dhismaha iskuulkan

Guddoomiyaha degaanka Qalqaloocan Maxamed Sheekh Cali ayaa mas”uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Galmudug ugu mahadceliyay hirgalinta dugsign ee deegaanka, oo baahin ay u qabeen shacbka  oo aan awal heeysan goob ay wax ku bartaan carruurtooda.

Qaar kamid ah bulshada deegaanka Qalqaloocan ayaa dhankooda tilmaamay in ay soo dhaweynayaan helida goob wax lagu baro ubadkooda,“Baahi weyn ayaan u qannay iskuulkaan, muddana ma anan heeysan waxbarasho, waan u mahadcelineynaa maanulka Galmudug iyo  dhammaan dadkii ka qeyb qaatay dhismahaan” sidaa ayuu dhahay mid kamid ahaa odayaasha degaanka

Hanad Cabdi Cali guddoonka waxbarashada Magaalada Caluula ee wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo injiner Maxamed oo isna ka socday Mashruuca waxbar carruurta ayaa bulshada degaanka kula dardaarmay in ay ka faa”ideystaan iskuulkan,ayna sii wadi doonaan tayeenta iyo hirgalinta waxbarashada Galmudug.