Wasaaradda warfaafinta XFS oo tababar u furtay 30-Saxafi

Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka ayaa maanta oo sabti ah tababar u furtay 30-saxafi oo ka kala socda warbaahinta dawladda, dalwlada gobaleedyada iyo warbaahinta gaarka ah ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac oo tababarka ku saabsanaa tabinta xaaladaha bini’aadannimo u furay saxafiyiinta ayaa kula dardaarmay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay in bulshada u gudbiyaan fariimaha saxda ah ee la doonayo in ay helaan, kana wacyi-geliyaan dhibaatooyinka jira.

Sidoo kale, Agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo tababarada ee wasaaradda. Cabdiraxiin Ciise Caddow oo sharaxaad kooban ka bixiyay muhiimadda tababarkan ayaa sheegay in muddada 3-cisho ah ee uu socdo lagu baran doono tebinta wararka la xiriira arrimaha bini-aadanimada iyo wararka deg dega ah.

Wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda iyo tayada wariyeyaasha Soomaaliyeed si ay Bulshada u adeegayaan uguna gudbiyaan warar sugan oo xaqiiqda ku saleysan.