Xaflad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daud Aweis Jaamac, Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo marti sharaf ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa lagu soo bandhigay goobaha ku haboon dalxiiska ee gobalada dalka.
Wasiirka Wasaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaaamac oo ka hadlay Munaasabadda maalinta dalxiiiska aduunka oo Wasaaradda xuseyso ayaa yiri
“Soomaaliya waa dal u diyaarsan dalxiiska waxa ayna leedahay goobo qurux badan oo isugu jira bad iyo barri labadaba, wasaaradda warfaainta dhaqanka iyo dalxiiskana waxa ay ka shaqeyneysaa in dalka ay yimaadaan dalxiisayaal caalami ah”
“Dalkeeno waxa uu baahan yahay in la dhiso goobaha indhaha u ah dalkeena waana in annaga aan bilownaa dalxiiska soona bandhigno quruxda dalkeena”
Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhiiragaliyay xuska Maalinta iyo dedaalka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u soo nooleynta dalxiiska, waxaana ugu dambeyn munaasabadda lagu dhiiragaliyay dadka ka shaqeeyo horumarinta dalxiiska Soomaaliya.