Wasaaradda warfaafinta oo wariyaasha u tababaraysa la qabsiga isbadalka warbaahinta casriga ah

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbedelka iyo casriyaynta warbaahinta oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 30 wariye oo ka kala socda Warbaahinta Gaarka loo leeyahay iyo tan Qaranka.

Agaasimaha guud ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle oo Aqoon Isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee aqoon isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbedelka iyo casriyaynta warbaahinta. Isagoo ku adkeeyey saxafiyiinta inay doorkooda ka ciyaaraan kaalinta isbedelka ee warbaahinta Soomaaliya si tan caaalamka ula ay ula jaanqaado.

Cabdishakuur Cali Axmed Agaasimaha Istiraatiijiyadda Warbaahinta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ugu horeyn ka hadlay tababarka ayaa sharaxay waxyaabaha isbdelka warbaahinta casriga ah u baahan tahay, iyadoo la ilaalinayo masuuliyadda warbaahinta looga fadhiyo. Wuxuu tafaasiil dheer ka baxshay in isbedelka iyo tartanka suuqa casriga ah ee warbaahinta.

Agaasimaha guud ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa kula dardaarmay Wariyayaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad oo la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo la falgalka isbedelka cusub ee warbaahinta carsiga ee tabin wararka.