Wasaaradda Warfaafinta oo qabatay tababar ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP)

Waxaa maanta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska lagu qabtay tababar ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP), qorsheyaasha shaqo ee sannadlaha ah, warbixinta waxqabadka iyo nidaamka GIPMS, Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa fahamka “Qorsheynta iyo sida hawlaha Wasaaradda loo waafajin karo mudnaanta iyo qorshayaasha qaranka”.

Tababarka waxaa isla soo diyaariyay waaxda Qorsheynta iyo Waaxda Shaqada iyo Tababarrada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.</p><p>Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaasha waxaa lagu baray muhiimadda ay leedahay diyaarinta qorshe shaqo sannadeedka oo si cad u qeexaya hawlaha la qabanayo, cidda mas’uulka ka ah, waqtiga fulinta, miisaaniyadda, natiijooyinka la filayo iyo tilmaamayaasha lagu cabbirayo waxqabadka.

Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay xog sax ah iyo caddeymo la hubin karo marka la diyaarinayo warbixinnada waxqabadka (Report Writing), waxaa tusaale ahaan loo soo qaatay warbixinno hawleed, liisaska ka qaybgalayaasha, sawirro iyo dukumentiyo kale oo muujinaya in hawsha la qorsheeyay si dhab ah loo fuliyay.

Qayb ka mid ah tababarka ayaa lagu soo bandhigay habka xogta loo hubiyo, loo xaqiijiyo loona gudbiyo, iyadoo lagu shaqeynayo (GIPMS) oo ah nidaam lagu maamulo waxqabadka, iyo muhiimadda ay leedahay in xogta la soo gudbinayo ay noqoto mid sax ah, dhammaystiran oo leh caddeyn ku filan, sidoo kale xogta inay taageeri karto mashruuca hormarinta iyo go’aan gaarista.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen ayaa tababarka si rasmi ah u furay, Agaasime Cabdinaasir ayaa howlwadeennada Wasaaradda ee tababarka loo furay kula dardaarmay in ay xoogga saaraan fahamka cashirada la siinayo oo ay ka faa’iideystaan mudada uu tababarku socdo.